Shaqaalaha Idaacadda Shabelle ee u xirnaa Nabad Sugida oo la soo daayay

0

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa dib u siiyay xoriyadooda labo Wariye oo ka mid ah Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta Shabelle, kuwaasi oo saacdo kooban u xirnaa.

Madaxa Wararka Shabelle, Cali Axmed Cabdulle iyo Wariye Maxamed Aadan Ibraahin Onkod ayaa su’aalo kala duwan waxaa laga weydiinayay war ku aadanaa Weerar Al Shabaab ay habeen ka hor ku qaadeen Degaanka Lafoole ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Sugida ee yimid Xarunta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqday kuwa anshax ahaan wanaagsan.

Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Gaafow Maxamuud sida wanagsan uu ula dhaqmay Shaqaalaha Shabelle.

Ugu dambeyn, Maamulka ayaa ku amaanay Taliye Cabdullaahi Gaafow Maxamuud soo deysmada Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta Shabelle.