Hay’ada MSF oo go’aan laga Naxo ku dhawaaqday iyo Saameynta uu yeelanayo oo laga Cabsi qabo

0

Kooxda Dhaqaatiirta aan Xuduuda Laheyn Ee MSF ayaa waxay sheegeen inay shaqadii joojiyeen kadib culeys dhinaca Amniga ah oo soo food saaray.

Hay’ada MSF waxay sheegtay in Shaqaalaheeda laga daad gureeyey Lix cusbitaal oo ku yaalla Wuqooyiga Dalka Yeman taasi oo in lasii wado shaqada ay sii adkaatay.

Duqeynta Dhinaca Cirka ah Ee Diyaaradaha Sacuudiga iyo Dagaalka Yeman ayey MSF ku micneysay inay howshii ay heysay ujoojisey.

Go’aankani ay qaadatay MSF maaheyn xilligaan mid uwanaagsan Dadka Yemaniyiinta ah maadama Xaalad dagaal ay ku  jirto Yeman islamarkaana Adeegyo Caafimaad loo baahan yahay sidaasi waxa sheegtay Hay’ada Relief ee Xarunteedu tahay Magaalada Paris Ee Dalka Faransiiska,waxaana Hay’ada Relief ay cambaareysay Duqeymaha Sacuudiga ka geysanayo Dalkaasi.

Xarumo ubadan Cusbitaalo dadka lagu daweenayey ayaa dhowr jeer la duqeeyey gudaha dalka Yeman waana mida soo dedajisey in MSF ay shaqadii Dalkaasi meelo ka mid ah ay ka heysay ku dhawaaqday inay joojisey.