Dowladda Uganda iyo UN oo codsanaya in la kaalmeeyo qaxootiga Suudaanta koofureed iyo go’aano ay soo saareen

0

Dowladda Uganda ayaa waxa ay sheegtay in ay ku qasbanaan doonto inay kala bar dhinto cunnada gargaarka ah ee ay siiso qaxootiga ka soo cararay colaadda Suudaanta koofureed, haddii aanan la kordhin taageerada ay ka hesho deeq bixiyayaasha.

Sidaasi waxa lagu sheegay warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha Uganda oo ah xafiiska u qaabilsan arrimaha qaxootiga. Baaq kaas la mid ah waxa jeedisay Qaramada midoobay, ayadoo ay sii badanayso tirada qaxootiga Suudaanta koofureed ee gaaraya Uganda.

Dowladda uganda ayaa waxa ay sheegaysaa inay diiwaan gelisay in ka badan 200,000 oo qaxooti ah wixii ka horreeyey dagaalladii dib u qarxay bishii July, halka Qaramada Midoobay ay sheegayso in ka badan 50,000 oo qaxooti ah ay gaareen Uganda wixii ka dambeeyey bishii July.

Gobolka West Nile ee waqooyiga galbeed ee Uganda ayaa haatan waxa laga furay xero cusub oo loogu tala galay in lagu qaabilo qaxootiga cusub.

Suudaanta koofureed oo madaxbanaanideeda qaadatay shan sano ka hor ayaa haddana waxa uu dagaal sokooye ka qarxay dhamaadkii 2014, dagaalkaas oo u muuqda in haddana dib u soo laba kacleeyey.

Iska hor imaadkii ugu dambeeyey wuxuu ka dhashay isku dhac dhax maray ciidamada madaxweyne ku xigeenkii hore, Riek machar, iyo kuwa dowladda uu hoggaaminayo Salva Kiir.

Labadan hoggaamiye ayaa waxa ay saxiixdeen heshiis awood qeybsi ah sannadkii la soo dhaafay, balse waxa uu u muuqdaa heshiiskaas inuu burburay, madaama isku dhicii ugu dambeeyey uu sababay in uu dalka ka baxo madaxweyne ku xigeenkii hore Riek Machar, waxaana haatan socda dadaal lagu doonayo in dalkaasi lagu geeyo ciidan nabad ilaalin ah.