DHAGEYSO:- Musharax Donald Trump oo booqanaya Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan yihiin Xilli dagaal Culus uu kala dhaxeeyo

0

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa marka uu gaaro gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxa uu khudbad ujeedin doonaa dadka ku nool gobolkaasi oo ay ku jiraan Soomaali.

Trump ayaa caan ku ah aflagaadeynta iyo weerarka joogtada ah oo uu ku hayo dadka Islaamka ah iyo Muslimiinta ku nool dalkaasi Mareykanka.

Maamulka gobolka Minnesota iyo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka wada hadli doona arimaha Qaxootiga dalka Mareykanka oo ay Soomaalida qeyb ka yihiin.

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa dhowaan dhigay dibadbax ka dhan ah Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday Qaxootiga Soomaalida ee Mareykanka.

Donald Trump ayaa Labo mar oo hore weerar Afka ah ku qaaday dadka Soomaalida ah ee dalka Mareykanka ku nool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-