DHAGEYSO:- Maamulka Khaatumo oo ka digay in uu bur buro wada hadalka kala dhaxeeya Somaliland

0

Cabadla Maxamed (Caga-lule) oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo oo warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa wuxuu sheegay in Soomaaliland ay carqaladeynayaan wada hadalka u dhaxeeya Khaatuma iyo maamulkaasi Soomaaliland.

Wuxuu sheegay inta ay socdaan wada hadalada in ololaha Doorashada aan laga bilaabin deegaanada ay isku heystaan labada dhinac oo maamulka Khaatuma uu sheeganayo inuu ka arimiyo.

Wuxuu sheegay hadii Soomaaliland ay ku soo xadgudbaan deegaanadooda in ay bur burayaan wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac.

Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland ayaa dhowaan bilaabay wada hadal, iyadoo wada hadaladaas ay soo dhaweeyeen maamulka Soomaaliland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-