DHAGEYSO: Maamulka Galmudug oo Balan qaad ay ku farxaan u sameeya Maamulka Ahlu Sunna

0

Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wada hadal la galaan Maamulka Ahlu Sunna.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna ay ka qeyb gelinayaan Siyaasada Galmudug isla markaana ay xilal Muhiim ah ka siinayaan Maamulka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in shacabka Galmudug ay u baahan yihiin in laga shaqeeyo Hormarintooda balse aysan u baahneyn in lagu kor dagaalamo, waxa uuna Maamulka AHlu Sunna ugu baaqay in ay ogolaadaan iney wada hadal la galaan galmudug.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa weli ku adkeysanaya in aysan wada hadal la geli doonin Galmudug, waxaana Maamulka Ahlu Sunna uu dhaliilsan yahay dhismaha Maamulka Galmudug iyo Siyaasada Maamulkaasi.