DHAGEYSI XASAASI AH:- Dawladda Puntland oo ku dhawaaqday Howlgal DANAB 2 oo ka bilowday Garoowe

0

Dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabay caasumada dawladda Puntland ee Garoowe howlgalo deg deg ah oo looga hortagayo falalka ay doonayaan in ay ku waxyeeleyen amniga iyo daganaanshaha guud ee dalka.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Col, Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu howlgalkan yahay mid lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah.