DAAWO: Muuqaal argagax geliyay caalamka oo lagu soo bandhigay baraha bulshada iyo shabakadaha warbaahinta

0

Sawirka wiil siigo iyo dhiig ay jirkiisu qariyeen oo laga soo badbaadiyay burburka dhisme ku yaal magaalada Aleppo ee dalka Siiriya kadib markii ay diyaarado duqeeyeen ayaa walwal iyo argagax geliyey caalamka oo idil.

Muuqaalka sawirka ee wiilkan oo dhex fadhiya gaari ambalaas ah ayaa waxa baraha bulshada soo dhigey qaar kamid ah ururada u dooda shacabka dalka Siiriya.

Sawirkan ayaa lagu sheegay in uu yahay wiil shan sano jir ah oo la yiraahdo Omran Daqneesh waxaana ay dhakhaatiir ka daaweeyeen Arbacadii dhaawacyo ka soo gaaray madaxa. Waxaa la rumeysan yahay in waalidkiis iyo dad kale oo ay qaraabo ahaayeen ay sidoo kale ka badbaadeen duqeynta.

Xarun warbaahineed oo taageerta mucaaradka ayaa sheegtay in sawirada Omran laga soo qaaday magaalada Qaterji oo ay mucaaradku haystaan kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay duqeeyeen iyadoo ay ku dhinteen duqeyntaas saddex ruux halka 12 kalana ku dhaawacmeen.

Sawirka Omran ayaa durba waxaa lala barbardhigay sawir kale oo ah mid murugo kale leh oo ah meydka wiil la oran jirey Alan Kurdi oo saddex sano jir ahaa, kaasoo ay soo tuftay badda Turkiga kadib markii ay qoyskiisu ay u raaceen doon dalka Giriiga.

Dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo xooggaga mucaaradka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay ka dhacayeen Aleppo oo mar ahayd xarun warshado iyo ganacsi ku caan ah.

Xukuumada Ruushka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay joojiso howlgalada milatari muddo 48 saacadood ah toddobaaka soo socda si loogu oggolaado gargaar cunto ah inay gaaraan dad lagu qiyaasay labo malyan oo ruux kuwaasoo ku go’odoonsan magaalooyin ay dagaaladu saameeyeen.

Ergeyga Qaramada Midoobay ugaga wakiil ah dalka Siiriya Staffan de Mistura ayaa dhowaan u jeediyay baaq dhinacyada ku dagaalamaya dalka Siiriya inay xabada joojiyaan si gargaarka cuntada iyo dawada ah loo gaarsiiyo dadka ay dagaaladu saameeyeen.

Inkabadan 250,000 oo ruux ayaa ku dhintey ugu yaraanshan sano oo ay dagaalo ka socdeen dalka Siiriya iyadoo 11 malyan oo kalana ay barakiciyeen dagaalada.

s1 s2 s3