Maraykanka oo markii ugu horeysay ka hadlay weerar ka dhacay degmada Saakow

0

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ciidamo Maraykan ah ay ka qeyb galeen howlgal si wadajir ah ay uga fuliyeen duleedka degmada Saakow ciidamo Maraykan ah iyo kuwo Soomaali ah toddobaadkii la soo dhaafay.

Weerarkan oo dhacay 10kii bishan August ayaa ciidamo Maraykan ah oo la sheegay inay ahaayeen la taliyaal ay raaceen ciidamo Soomaali ah kuwaasoo weeraray goob ay gaadiidka ku baaraan maleeshiyaad Alshabaab ah.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika Lieutenant Commander Anthony Falvo ayaa sheegay  markii ay ciidamada Soomaalida ah ay u dhowaadeen halka ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Alshabaab rasaas lagu soo riday balse ay iyaguna ka jawaabeen oo halkaa ku dileen saddex kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab oo goobtaa ku sugnaa balse afhayeenku ayaa intaa ku daray in askarta Maraykanka aysan waxba ka soo gaarin weerarkan.

Sida ay daabacday jariirada caanka ah ee Newyork Times maanta,Falvo ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay hubeysnaayeen balse aysan ka qeybgalin iskahorimaadka. Ururka Alshabaab oo gacan saar la leh Alqaacida ayaa ku leh baro kontarool oo ay lacagaha ugaga qaadaan gaadiidka isaga goosha deegaano ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Saakow.

Warar la isla dhex marayay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale ayaa sheegayay in hogaamiyaha ururka Alshabaab Abu Cubeyda lagu diley weerar toddobaadkii hore ay ku qaadeen ciidamo Maraykan ah degmada Saakow.

Hase ahaatee afhayeenka u hadlay ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in ay weli qiimeynayaan natiijadii ka dhalatay howlgalka, ayna tahay mid aan la sheegi karin in weerarkaa lagu diley sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab