DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Shirkii Golaha Wasiirada oo Arrimo Xasaasi ah loogu hadlay, iyo Wasiiro qorshayaal Cusub geeyay

0

Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankii khamiislaha ahaa ayaa ka hadlay qodobo ay kamid yihiin, xaalada siyaasadda dalka iyo daba-galka hantida qaranka, waxaana kulanka maanta gudoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid.

Mudane Cumar Cabdirashiid oo warbixinta xaalada siyaasadda ee dalka u soo gudbiyay golaha Wasiirada ayaa sheegay in maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ay meel wanaagsan marayso, sidoo kalena  barrnaamijka doorashooyinka si wanaagsan looga shaqeynayo islamarkaana tababar loo soo xiray gudiyada maamul goboleedyada ee doorashooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ahna gudoomiyaha guddiga badbaadinta hantida qaranka ayaa golaha Wasiirada ka hor sheegay in ay jiraan Wasaarado soo gudbiyay xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay hantidii ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor bur-burkii 1990 kii Wasaaradaha dhimanna ay si dhaqso ah u soo gudbiyaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa golaha ku hor amaanay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga dadaaladda uu wado ee ku aadan dhiira-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed islamrkaana sheegay in Wasaaradiisa ay la timid waxqabad cad oo ay kamid yihiin ciyaarihi gobolada oo dalkeena u horseeday inuu yeesho muuqaal wanaagsan.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Cumar Cabdirashiid ayaa waxey soo dhaweeyeen shirkii Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Muqdisho islamarkaana bogaadiyeen Carwada Buugaagta Muqdisho oo shalay laga furay Muqdisho kuna tilmaameen iney tahay bog cusub oo u furmay shacabka Soomaaliyeed oo u jiheeynaya wadada aqoonta iyo nabadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-