DHAGEYSO:- Howlgalkii ugu cuslaa oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo iyo 120 Ruux oo lagu soo qabtay

0

Taliye ku Xigeenka Booliiska gobolka Mudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ay Ciidamada amaanka ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgaladaasi ay ahaayeen kuwa lagu sugayo amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan amaanka gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in howlgaladaasi ay sii socon doonaan inta laga xaqiijinayo amaanka gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sheegay in howlgaladaasi lagu soo qabtay sida Taliye ku Xigeenka uu sheegay 100 ruux.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka soconaayay Howlgalo Joogto ah oo lagu xaqiijinayo amaanka, waxaana howlgaladaasi lagu soo qabtay dad la sheegay in lala xiriirinayo iney ka dambeeyeen dilal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-