DHAGEYSO:- Banaanbax lagu Taageerayo Go’aankii Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Muqdisho lagu qabtay

0

Banaanbax lagu Taageerayo Go’aan Shalay ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ahaa in aan Dadka Degan Dhulka u dhexeeya Tarabuunka iyo Dugsigii Sare Banaadir ayaa ka dhacay Degmada Hodan.

Boqolaal Ruux oo isugu jira Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa ka soo qeyb galay Banaanbax,waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Go’aankii Wasiirka Arrimaha Gudaha,iyagoo sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad u Hanqal taagaya in Dhulkaasi ay gataan.

Sidoo kale Dadka isku soo baxay ayaa sheegay in Dhulka la doonayo in laga kiciyo la doonayo in lagu Fushado dano Shaqsiyadeed sida ay hadalka u dhigeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-