DHAGEYSO:- Baarlamaanka Maamulka Jubbaland oo u yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Arrimo Halis ah oo lagu heysto

0

Baarlamanka maamulka Jubbaland  ayaa sheegay in ay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ay kula xisaabtami doonaan sababaha keenay in wali Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ka gaabiyay Wax u qabashada dadka kunool gobolka Jubbada Dhexe oo ay wali gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay u soo jeesan doonaan la xisaabtanka madaxweyne Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in sare loo qaadi doono la xisaabtanka Hay’adaha kala duwan ee maamulka Jubbaland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-