DEG DEG:- Ciidamada Booliiska oo Nolol iyo Geeri ku raadinaya Nin ku dhacay Warta Siigaale ee Muqdisho

0

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Nolol iyo Geeri raadinaya Nin Maanta ku dhacay Haro biyo Fariistaan oo loo yaqaano Warta-siigaale islamarkaana ku taala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Noo sheegay in Ninka uu Harada ku dhacay Abaaro Lixdii Duhurnimo ee Maanta islamarkaana illa hadda Nolol iyo Geeri  intaba la layahay.

Waxaana hadda Ciidamada Ammaanka ay Goobta geeyeen Wiishashka Dhaadheer oo ka qeyb qaadanaya Baaritaanka Ninka la weysan yahay oo loo maleynayo in Dhoobada Warta Hoosteeda ah ay ku dhagtay.

Goobta ayaa sidoo kale waxaa soo buux dhaafiyay Dadweyne aad u badan oo la yaaban Dhacdada ah Ninka ku dhacay Warta Siigaale ee Biyuhu ay Fariistaan.