AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay weerar ay ka qayb qaateen ciidamo Mareykan ah oo Jubbada hoose ka dhacay

0

Faah-faahin dheeri ah ayaa laga helayaa weerar sida la sheegay ay qayb ka ahaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka kuwa ku sugan Somaliya, waxaana weerarka uu ka dhacay Gobolka Jubbada hoose.

Weerarkaan oo dhacay shalay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la beegsaday Saldhig ciidamada Shabaabka ay ku lahaayeen Duleedka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan Deegan lagu magacaabo Cabdalla Biroole oo Qiyaastii 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya iyo kuwa Somalida oo howlgalkaan qayb ka ahaa ayaa ku socdaalayay dhanka dhulka, iyadoo ciidamada Mareykanka ah ay wateen Diyaarado dagaal oo ka duulay Saldhiga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Markii ciidamadaasi ay gaareen Deegaanka Cabdalla Biroole, ayaa halkaasi waxaa ka dhacay Iska hor imaad dhexmaray ciidamada Shabaabka iyo ciidamadii duulaanka ahaa, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa Dhacdo.com u sheegay howlgalkaasi inuu u dhacay sidii loogu talo galay, ciidamadana ay gaareen Bartilmaameedkii ay doonayeen waa sida Saraakiisha ay sheegeen.

Ma Cadda xubnaha Shabaabka ka tirsan ee Deegaanka Cabdalla Biroole lagu beegsaday, laakiin waxaa la sheegay kaliya inay ku sugnaayeen Saraakiil Sar sare oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo si aad ah loo doon doonaayay.

Al Shabaab ayaa sheegtay dhankooda weerarkaasi ciidamada Mareykanka iyo kuwa Amisom iyo ciidanka Jubbaland ay soo qaadeen inay ku dileen Sarkaal Mareykan ah oo ciidamada Mareykanka ka tirsanaa.

Shabaabka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerar dhabo gal ah ay u dhigeen Kolonyadii gaadiidkii ee ciidamada Amisom iyo kuwa Jubbaland ay wateen, markii ay ka soo noqdeen deegaanka Cabdalla Biroole.

Idaacada Andalus ee afka Shabaabka ku hadasha ayaa laga baahiyay gaari noociisa uu yahay Beebe in laga gubay ciidamada Kenya, kadib markii weerar jidgal ah loogu dhigay inta u dhaxeysa deeganada Yaqraar iyo Shabellow xilli ciidamada ay doonayeen dib ugu noqoshada Magaalada Kismaayo.

Muddooyinkaan dambe howlgalada qorsheysan ee ay fulinayaan ciidamada Kumaandooska Somaliya iyo kuwa Cadaanka ah ayaa sii kordhaya, waxayna intooda badan ka dhacaan Gobolada Jubbooyinka.