Musharax Faaduma Dayib “Alshabaab ma jecli, laakiin waxaa Muhiim ah in wada hadal lala Furo si ay dhibaatada u joojiyaan”..

0

Haweeneyda lagu maagcaabo Faadumo Dayib oo shaacisay inay tahay musharax u taagan jagada madaxweynaha muddo hore ayaa sheegtay inay wadahadal la furi doonto kooxda Alshabaab.

Haweeneydan oo degan dalka Finland yaa wareysi ay siisay IBtimes UK waxay ku sheegtay inay rajeyneyso inay wadahadal la furto kooxda Alshabaab, taasina aysan micnaheedu ahayn inay jeceshay, laakiin shaqaaqada aanay waxba lagu gaareynin.

Waxay intaas ku dartay inay dooneyso inay meesha ka saarto isir sifeynta iyo beelaha la heyb sooco ee beelaha waaweyn ay u awood sheegtaan.

Faaduma Dayib oo ah hooyo leh afar caruur ah, waxay ka qaxday Soomaaliya dagaaladii sokeeye, iyadoo qaxooti ku noqotay xeryaha Kenya, kadibna ay gashay Finland, waxayna sanadkii 2014 shaacisay inay tahay musharax madaxweyne.