Khaatumo oo sheegtay in markii Dowladda Soomaaliya ay dadkoodii dayacday ay ku qasabtay in ay la hadlaan Somaliland

0

Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo Abshir Cabdicasiis Sheekh ayaa ka hadlay wadahadalladii dhawaan ay yeesheen iyaga iyo maamulka Soomaaliland.

Wuxuu carabka ku dhuftay Wasiirku in u jeedada ay wadahadallada ula fureen maamulka Soomaaliland ay ka dambeysay kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay dayacday bulshada degan deegaanada maamulka Khaatumo.

“ Dowladda Federaalku waxa ay la shaqeysay Maamul Goboleedyada qaar taas oo aan ahayn dan Qaran ee ay tahay Dan qaas ahaaneed” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo.

Isagoo sii wata hadalkiisa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo Abshi Cabdicasiis ayuu hoosta ka xariiqay in ay Nabad gelyo kula noolaanayaan Maamulka ay dariska yihiin ee Soomaaliland.

Sidoo kale Wuxu cadeeyay Mudane Abshir Cabdicasiis wadahadallada ay kula jiraan Soomaaliland aysan dooneynin in ay ku kala dhantaalaan midnimada umadda Soomaaliyeed ayna weli Aaminsan yihiin midnimada iyo Calanka Soomaaliyeed ee Buluuga ah.

Dhinaca kale Masuulkaasi ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay shacab weynaha Khaatumo hoos geysay wax uu ku tilmaamay reer.

“ Cabdiweli Gaas baa soo xulaya Xildhibaanada Puntland iyo Khaatumo ayaa la yiri , Cabdiweli Muxuu yahay, annaga dowladnimadeenno xamar beey taallaa ee Garoowe waxba nagama jiraan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo Abshir Cabdicasiis Sheekh.

Maamullada Soomaaliland iyo Khaatumo ayaa dhawaan waxa ay wadahadallo uga furmeen degmada Ceynabo ee Gobolka Sool kadib xiisad ka dhex aloosneed in muddo ah.