DHAGEYSO WAREYSI XIISO BADAN:- Askari ka sheekeynaya dhacdo la yaab leh oo qabsatay Xilli ay ku jireen Howlgal Culus

0

Dhacdadan waxaa ay ka dhacday Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho,waxaana Mustaqbal Radio,wareysi ka siiyay mid ka mid ah Askartii isku dayday in Tuugada dhaceysa Taleefannada ay gacanta ku dhigaan.

Askariga oo aanu magaciisa u qarinnay codsi isaga ka yimid ayaa waxaa uu ku billaabay in xilli Galab ah ay Xaafadda Buunda 2aad,ee Degmada Waabari, ayuu sheegay in iyaga oo ceyrsanaya Tuugadii Dadka Mobilaada ka dhacayay ay la kulmeen Wiil Bajaajle ah oo ay garanayeen kaas oo lagu magacaabayay Ajuuke,waxaana uu Bajaajlihii ku yiri nakeen aan idinka dabageeyee.

Askartii oo saddex ah ayaa raacay,waxaana ay horay u sii kaxeeyeen Wiil kale oo ay Bajaajlaha isgaranayeen,sidoo kale inta uu socday howlgalka waxaa  jiray Dadweyne la socday Askarta.

Askariga oo ka sheekeynayay sida ay ku timid geeridaha Bajaajlaha iyo Saaxiibkii Askarta uu isaga ka mid yahayna ay ka badbaadeen ayaa u sababeeyay in aysan Askar ahaan Xabad ridi Karin oo aysan fasax u heysan maaddaama ay ka soo baxeen xarunta Degmada Waabari oo goobta ka dhaweyd.

Tuugadii mid ka mid ah ayaa sheedda kala socday raga Ciidanka ah ee ku daba jiray waxaana uu ugu gambaday Darbi markii ay dhaafeen ayuuna Rasaas oodda kaga qaaday,taas waxaa ay sababtay in ay dhintaan Labadii Wiil ee Shacabka ahaa ee Bajaajta kii watay iyo saaxiibkii,waxaana ka badbaaday Rasaastii Askartii 3da ahayd.

Askarigan ayaa sheegay in Burcaddii ay ceyrsanayeen ay ka galeen Degmada Xamar Jajab oo dersi la ah Waabari,waxaana uu sheegay in ay ka soo hareen markii ay Degmada kale galeen,maaddaama aysan fasax u heysan in ay degmo kale howlgal ka fuliyaan.

Ugu dambeyntii ayuu sheegay in maamulka degmada Waabari ay amreen in ay ka haraan raga galay degmada kale lana war gelinayo maamulka Degmada Xamar jajab,halkaas oo ay raggii u baxsadeen,iyaga oo dhacay Taleefanno dilaynna labo qof oo shacab ahaa.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-