DHAGEYSO WAREYSI:- Madaxweyne Ku Xigeenka Ahlu Sunna oo Arrimo Xasaasi ah, Fariina u diray Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya

0

Maamulka Ahlu Sunah ayaa sheegay inuu san jirin wada hadalka la sheegay in lagu dhameenayo khilaafka u dhaxeeya Maamulkooda iyo Maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maalin ka hor gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ujeedka socdaalkiisa wuxuu yahay sidii uu usoo hadal qaadi lahaa dadaalada nabadeed ee u dhaxeeya ururka Ahlu Sunah iyo maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka ururkaasi Ahlu Sunah C/laahi Xirsi Diirshe Daacad oo la hadlay Risaala ayaa sheegay inuu san jirin wada hadal u dhaxeeya Maamulkooda iyo Galmudug.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday kaarka Aqoonsiga ee Minishiibiyo ee ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in waajib ay ku tahay Qof kasta oo qaan gaar ah inuu kaarkan qaato, balse Ahlu Sunah ayaa sheegtay in arintaasi hada aysan aheyn mid suuragal ah.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-