DHAGEYSO WAREYSI:- Ciidamadii ugu badnaa oo la geynayo Magaalada Marko iyo Sababta ka dambeysay oo la shaaciay

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu sheegay in dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Koonfur Galbeed uu geyn doono gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanada mararka qaar ay ka dhacaan dagaal beeleedyada.

Wasiirka Hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Kooinfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed uu u diyaariyay gobolka Shabeelaha Hoose oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen Dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wuxuu sheegay Wasiirka Deegaanada Koonfur Galbeed uu ka taliyo dhowaan ay ka bilaaban doonaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab kuwaas oo looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo gaaraya 300 Tababar loogu soo xiray magaalada Beydhabo, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarayay Howlgal ka dhan ah Shabaab oo dhowaan bilaaban doona.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-