DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Maamulka gobolka Banaadir oo u Jawaabay Siyaasiyiin dhaliilay qaadashada Kaarka Minishiibiya, kana soo saaray go’aano adag

0

Gudoomiye ku Xigeenka Dhanka Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi guure oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dadka aan awoodin iney iska bixiyaan lacagaha lagu sameynayo Kaarka Aqoonsiga ee Teesara Minishiibiya.

Waxa uu sheegay in Dowladda Hoose ay la macaamileyso dadka danyarta ah ee ku nool Muqdisho isla markaana loo sameynayo Kaararka aqoonsiga ee Teesaro Minishiibiyo.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Hoose ay damaanad qaadeyso in ay ilgaar ah ku eegto dadka danyarta ah ee aan awoodin iney iska bixiyaan lacagaha lagu sameynayo Kaarka aqoonsiga ee Teesaro Minishiibiyo.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhanka Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi guure ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Hoose ay xaq u leedahay iney shacabka Muqdisho ay u sameyso Kaarar gooni ah isla markaana ay sharci u leedahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Siyaasiyiinta iyo shacabka Muqdisho ay si qalad ah u fasireyn qaadashada Kaarka aqoonsiga ee gobolka.

Gudoomiye ku Xigeenka Dhanka Maamulka iyo Maaliyada ahna Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi guure ayaa sidoo kale sharaxay muhiimada bixinta Canshuurta guryaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-