DHAGEYSO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hortagaya Weerarada Al-Shabaab iyo qorshooyin la dajiyay

0

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalooyinka maamulka Koonfur Galbeed loo qaadi doono furumaha dagaalka si ay u adkeeyaan amniga maagaalooyinka maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Isaaq taliye ku xigeenka ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamada loo diyaariyay sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay soo maleegaan ururka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la dar dar galinaayo howlgalada ka dhanka ah ururka Al-shabaab .

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bilaabayaan howlgallo Al-Shabaab looga saaraayo deegaanada ay ka joogaan dhulka maamulka Koonfur Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-