DHAGEYSO:- Ciidan si gaar ah u tababaran oo loo sameeyay ilaalinta Xarunta Baarlamaanka ay ku shiraan

0

Ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa loo sameeyay inay sugaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ciidankaasi oo shalay Taliyaha Booliska uu ku soo bandhigay isla Xarunta Golaha shacabka.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska Somaliya ayaa sheegay ciidamadan cusub inay yihiin kuwa si gaar ah ugu xil saaran xaqiijinta ammaanka xarunta Golaha shacabka.

Wuxuu sheegay ciidamada ilaaliya Xildhibaanada iyo kuwa gaarka ka haya Xarunta Golaha shacabka inay yihiin ciidan ka wada tirsan hal hurin oo Booliska Somaliya ka mid ah.

“Ciidankaan waa hurinta gaarka ah ee ilaalin doonta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, kadib markii la dersay waxaa noo muuqatay in la habeeyo ciidanka ilaalada Xarunta Golaha shacabka hal hurin ayeey ka tirsan yihiin Guddoomiye waxaan kaa doonaynaa inaad adigana naga warqabtid.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Somaliyed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-