DAAWO VIDEO XIISO BADAN:- Maxaa ka jira in la dilay Amiirka Al Shabaab? Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wax laga weydiiyay wararka sheegaaya in Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeyda) lagu dilay duqayn ka dhacday Gobolka Jubbada Dhexe.

Wixii ka dambeeyay markii ay soo baxeen wararka la xiriira in Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaaya kuwa Mareykanka, ay hawlgal qorsheysan toddobaadkii hore ka fuliyeen Gobolka Jubbada Dhexe, ayay Warbaahinta Somalida hadalhaysay in duqayntaasi lagu dilay xubno uu ka mid yahay Hogaamiyaha Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya oo wareysi gaara siiyay Telefishinka Horn Cable, ayaa sheegay inaanu cadayn karin in weerarkaasi lagu dilay Amiirka Ururka Al Shabaab iyo in kale.

Madaxweynaha, ayaa wuxuu muujiyay inay adag tahay in horey laga ogaado macluumaadka la xiriira qaarajinta Saraakiisha Shabaabka, maadaama sida uu sheegay ay magacyo badan adeegsadaan.

“Abu Cubeyda tusaale haddaan ka soo qaado. Abu Cubeyda magac jiro maaha, toban magacuu leeyahay. Abuu Cubeyda keliya maaha toban kale waa leeyahay. Kii hooyaadii iyo aabihii u bixiyeena waa u dheeryahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Laguma deg deggo go’aanka ah Jaamac waala dilay, waa dhintay ama dagaalkuu ku dhintay, maadaama toban magac iyo toban aqoonsi ay leeyihiin.”

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ku waramaaya in laamaha ammaanku ay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan geerida Abu Cubeyda, isla-markaana ay dib ka soo sheegi doonaan, wixii amuurtaasi ka soo kordha.

“Arrimahaasi weli baarisaa ku socoto, xaqiiqada kama dambeysta ahna waala soo cayimi doonnaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-