Al-Shabaab oo dagaal labo jiho ah ku qaaday Degmada Qoryooley iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay saacada markii ay aheyd 11:00 habeenimo waxa ay weerar labo jiho ah ku qaadeen fariisimada ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose.

Dagaalkaan oo ahaa mid culus ayaa la sheegay inuu socday ku dhawaad saacad, waxaana dagaalka markiisii hore uu ku biloowday ciidamada Amisom ee degan aaga Buundada Qoryooley.

Al Shabaab ayaa labo jiho ka soo weeraray ciidamada degan Buundada Qoryooley agteeda, ciidankaasi waxa ay ka tirsan yihiin kuwa Midowga Afrika ee Amisom, waxaana Shabaabka ay ku garaaceen Madaafiic ka hor inta aysan dagaalka ku bilaabin ciidamada.

Sidoo kale Shabaab ayaa weeraray ciidamada Millateriga ee ku sugan Qoryooley, waxaana dagaalka uu soo gaaray xalay 12:00 habeenimo sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Xaaji Xuseen ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamada Dowladda dagaalkaasi ay soo qaadeen Shabaabka, wuxuuna meesha ka saaray Shabaab inay qabsadeen qayb ka mid ah Magaalada.

Shabaabka ayaa Idaacada Andalus ee afkooda ku hadasha waxa ay ka baahiyeen inay dileen ciidamo ka tirsan Dowladda, sidoo kalena saacado ay ku sugnaayeen qaybo ka mid ah Degmada Qoryooley.

Weerarada gaadmada ah ayeey Shabaabka la beegsadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Gobolada dalka jooga.