Yuusuf Dabageed oo sheegay in Wariyihii la shaqeeyaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu yahay Dambiile, lana xeri doono

0

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in Wariye si dhow ula shaqeynayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uusan maamulkiisa u aqoonsaneen Wariyenimo  balse uu yahay shaqsi dambi gaar ah galay oo Maxkamad ay soo taagi doonaan.

Dabageed ayaa dhanka kale mar uu soo hadal qaaday Odayaal horay u eedeeyay ayaa waxa uu tilmaamay in aysan suura gal ahayn in la meel mariyo damaca qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka ee ah in la kala qeybiyo Gobolkaasi Hiiraan.

Geesta kale Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa dhinaca kale waxa uu beeniyay in uu caburin ku hayo Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan isagoo sidoo kale meesha ka saaray in uu ka soo hor jeestay in Hoteelada ay ku kulmi karaan Odayaasha dhaqanka.

Wariye Cali Daahir Xerow ( Cali Kuluc) ayaa weli ku xiran Xabsi ku yaalla Xerada lama Galaay ee Magaalada Baladweyne kaas oo warar hourdhac ah oo so baxay ay sheegayaan in maamulka Gobolka Hiiraan uu u xiray Wariyahaasi in uu si dhow ula shaqeynayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.