Xiisad u dhexeysa Puntland iyo Galmudug oo ka taagan qeybo ka mid ah Gobolka Mudug

0

Ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa isku hor fadhiya duleedka deegaanka Balibusle ee Gobalka Mudug, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay iney Ciidamo badan geeyeen Ceel la helay oo qiyaastii 20-KM dhinaca Koonfureed uga beegan deegaanka Balibusle.

Goob-jooge ku sugan Ceel la helay ayaa warbaahinta  u sheegay in Ciidamada labada dhinac ay aad isugu dhow yihiin,xilli walba dagaal ka dhex dhici karo.

Sarkaal ku sugan Balibusle oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in xiisada ay bilaabeen Ciidamo ka tirsan Galmudug oo la geeyay duleedka Ceel la helay.

Reer guuraaga ka soo kala jeeda labada dhinac oo ay horay u saameeyeen abaaraha, ayaa la sheegay iney isaga carareen deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay.