Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo Warbixin ka soo saartay weeraro laga fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe

0

Wasaaradda Difaaca Somaliya, ayaa waxay goor dhow soo saartay warbixin lagu faafiyay hawlgalo toddobaadkii hore laga fuliyay saddex goobood oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada Kumaandooska Danab, ayaa waxaa warbixinta lagu sheegay inay hawlgaladan ka kala sameeyeen Sunguuni, Hargeysa Yarey iyo Degmada Saakow, iyadoona lagu dilay Sarkaal muhiim u ahaa Al Shabaab, inkastoo aan warbixinta lagu xusin magaciisa.

Warbixintan, ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Sunguuni ee Gobolka Jubadda Dhexe. Waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmada Sunguuni ayaa ah mid istiraatiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa Webiga Jubba.”

“Sidoo kale hawgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa Yarey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka, waxaana lagu dilay tiro maleshiyaad ah oo ka tirsan Al Shabaab.”

“Hawgaladan oo ahaa mid is daba-joog ah ayaa laga sameeyay Degmada Saakow oo saldhig wayn u ah cadowga umadda Soomaliyeed, waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib laga faah faahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.”

“Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka kooxda Al Shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.”

Dhanka kale Talaadada berrito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in uu Saxaafadda la hadlo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/kaamil Macalin Shukri, waxaana uu ku faah faahin doonnaa hawlgaladan.

Warbaahinta Somalida, ayaa maalmihii ugu dambeysay hadalhaysay in hawlgalka laga sameeyay Degmada Saakow lagu dilay xubno uu ka mid yahay Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeydah).

Saraakiil Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon-ka) u hadashay, ayaa waxay xaqiijiyeen in Saraakiishooda ay ka qayb qaateen hawlgalkii Degmada Saakow, isla-markaana ay qiimeynayaan khasaaraha rasmiga ee ka soo gaaray Al Shabaab.