TOP NEWS:- C/kariin Xuseen Guuleed oo loola Cararay Isbitaal ku yaalla dalka dibbadiisa

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa arrimo caafimaad ugu ambabaxay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda.

Safarka Madaxweyne Guuleed ee magaalada Kambala ayaa la xiriira xanuunka dhanka wadnaha ah oo kusii kordhaaya, qaliinkii lagu sameeyay ka dib.

Mid kamid ah Wasiirada maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Guuleed uu ku jiro xaalad xanuun, waxa uuna sheegay in markii la qalay ilaa iyo hadda uu yahay mid aan caafimaadkiisa caga wanaagsan ku taagneyn.

Waxa uu sheegay in xanuunka ugu badan ee iminka uu u aaday uu yahay qaliinkii looga sameeyay Wadnaha, waxa uuna cadeeyay in mid kamid ah xididada wadnaha uu dhiig xireen sameynaayo, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka aan xogtaani la wadaagnay waxa uu intaa ku daray in dhakhtarkii qalay Guuleed uu ka mamnuucay inuu ka hadlo goobaha ay iskugu soo baxaan dadka, shirarka buuqa ka dhalankaro, joojinta doodaha iyo wax waliba oo dhibaato buuq wata ka dhalankaro.

Xanuunka iminka kusoo booday Madaxweyne Guuleed ayaa waxaa loo sababinayaa Buuqii ka dhashay qodobada kasoo baxay shirka Madasha Qaran ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono waxaana iminka Madaxweyne Guuleed la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Kambala.