TOOS U DHAGEYSO WAREYSI:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Iska hor imaad Khasaaro ka dhashay oo ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Wadada Buundooyinka ee u dhaxeysa degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab ka dhacay iska hor imaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska hor imaadkan ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda iyo koox burcad ah ay halkaasi isku rasaaseeyeen, waxaana iska hor imaadkaas uu ahaa mid kooban.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhintay 2 Qof Halka 1 Qof oo kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo kooxdii burcadka ahayd ay halkaasi markii dambe ka baxsadeen.

Maamulada Degmooyinka Waaberi iyo Xamara Jajab ayaa waxa ay soo gaareen goobtii uu ka dhacay iska hor imaadka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga qof Goob Jooge ah:-