Farmaajo “Kaarka Aqoonsiga ee dowladdu soo rogtay waa in marka hore Baarlamaanka la geeyo oo la ansixiyo, hadii kale waa qalad

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowladda in si bilaash ah dadka loogu sameeyo kaararka aqoonsiga ee dhowaan Hey’adda Nabadsugida fartay in dadka reer Muqdisho ay qaataan.

Farmaajo ayaa sheegay inay jiraan dad aan awoodin inay sameystaan kaararka aqoonsiga, isla markaana looga baahan yahay in dowladda dhaqaale u hesho dadka, si loogu sameeyo si bilaash ah.

Mr Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay aheyd in Baarlamaanka la hor-geeyo si uu u ansixiyo, isagoo xusay in horay Baarlamaanka horay u diiday kaararka aqoonsiga.

“Kaararka aqoonsiga wax sahlan ma ahan waxay u baahan tahay in Baarlamaanka la geeyo la ansixiyo, horay waxaan u ogeyn in Baarlamaanka uu joojiyay arrintaas, dad aan awoodin ayaa jira oo lacagaha bixin karin, dowladda hada waqtigeeda dhamaanaya waa in dadka ay si bilaasha h ugu sameeyaan”ayuu yiri Farmaajo oo intaa ku daray in dowladda soo socota looga baahan yahay inay xoojiso kaararka aqoonsiga si arrimaha amniga muhiim ugu noqoto.

Dhinaca kale Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in aysan hantida shacabka aysan u adeegsan doorashada soo socota.

“Waxaa ugu baaqayaa Madaxda dowladda in aanay hantida shacabka ka dhaxeysa aanay doorasho lagu gelin, waxaa codsanayaa in mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida la siiyo, waxaa ognahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha labaduba yihiin musharax”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Jen. Gaafow uu faray shacabka Muqdisho inay qaataan kaararka aqoonsiga, iyadoo looga digay dadka aanan qaadan in aanay waxba u fududaan doonin, hadii ay tahay adeegyada aas aasiga, sida Isbitaalada, goobaha waxbarashada, waxaana cid aan sameysan lagu wargeliyay in aanay ka dhoofi karin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dad badan ayaa is weydiinayay sababta xilligan ku soo beegtay in la qaato kaararka aqoonsiga, iyadoo dowladda hada jirta waqtigeeda sii dhamaanayo, isla markaana doorasho la galayo, qiimaha kaararka aqoonsiga lagu sameynayo ayaa ah lacag dhan $17 doollar oo qofkiiba laga rabo.