DHAGEYSO:- Wasiirka Arrimaha gudaha oo la kulmay waxgaradka Magaalada Cadaado iyo Arrimo Xasaasi oo ay ka wada hadleen

0

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo shalay gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada Cadaado ee maamulka Galmudug uu kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegaya in uu xalay kulan la qaatay Waxgaradka magaalada Cadaado.

Wasiirka ayaa la sheegaya in uu waxgaradka kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisad ka dhalatay jidgoogooyin Maleeshiyaad ay dhigteen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa inta uu halkaasi ku sugan yahay in uu soo hadal qaadi doono dadaalada nabadeed ee u dhaxeeya ururka Ahlu-sunah iyo maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Wararkii ugu dambeeyay:-