DHAGEYSO:- Wafdi ka socda Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo gaaray Degmada Diinsoor

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Kooinfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo Taliyaha ciidamada Miltariga qeybta 60-aad Ibraahim Aadan Yarow iyo xubno kale ayaa maanta waxy gaareen degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Mas’uuliyiinta gaaray degmada Diinsoor ayaa wuxuu ujeedkooda uu ahaa sidii ay xaaladooda u soo ogaan lahaayeen ciidanka xoogga ee halkaasi ku sugan iyo xaalada Bani’aadanimo ee ka taagan degmadaasi.

Wasiirka Hubka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka maamulka Kooinfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo Taliyaha ciidamada Miltariga qeybta 60-aad Ibraahim Aadan Yarow oo si wadajir ah ula hadlay ciidanka ku sugan degmada Diinsoor ayaa waxa ay ciidanka kula dar daarmeen in ay sii laba jibaaraan howlgallada ka dhanka ah Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhowaan sheegay in ay bilaabayaan howlgalloa ka dhan ah Shabaab, inkastoo aan la shaacin waqtiga rasmiga ee ay bilaabanayaan howlgalladan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-