DHAGEYSO SHIR JARAA’ID:- Wasaarada Amniga Gudaha oo faah faahin ka bixisay howlgal gaar ah oo lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

0

Wasaarada Amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal gaar ah oo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe iyo degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaarada amniga gudaha C/kaamil Shukri Macalin oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in shaqsiyaad lala xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab lagu dilay duqeyn iyo howlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Saakoow.

Waxa uu sheegay in weli hay’ada amaanka ay wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo Magacyada Saraakiisha la dilay, waxa uuna xaqiijiyay in 3 sarkaal lagu dilay degmada Saakoow.

Afhayeenka Wasaarada amniga gudaha C/kaamil Shukri Macalin ayaa sidoo kale sheegay in howlgalo maalmihii dambe laga sameeyay degmooyinka kala ah Xamar Jajab, Shibis iyo Degmada Deyniile lagu soo qabtay 11 qof oo la xiriirinayo iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in baaritaano lagu wado ragaasi la soo qabtay isla markaana warbaahinta loo so bandhigi doono.

Mudooyinkii dambe ayaa Ciidamada amaanka ee Dowladda waxa ay howlgalo joogto ah ka wadeen qaar ka mid ah gobolada Dalka iyo degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna Afhayeenka Wasaarada Amniga sheegay in la sii wadayo howlgaladaasi.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Afhayeenka:-