DEG DEG:- Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaro ka dhashay

0

Iska hor-imaad u dhexeeya Koox Burcad ah oo la sheegay in ay Dadka ka qaadanayeen Taleefoonada Gacanta iyo Ciidanka Ammaanka oo ka dhacay Agagaarka Suuqa Ansalooti e Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay Labo Qof oo Shacab ah.

Labada Qof ee ku dhintay Tacshiirada u dhexeysay Ciidanka Ammaanka iyo Kooxda Burcada ah ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Nin Wade ka ahaa Mootada loo yaqaan Bajaajka iyo nin rakaab ah oo Mootadaas la socday.

Maamulada Degmooyinka Xamar-jajab iyo  Waabari weli kama hadlin israsaaseyn Labada Qof ee Shacabka ah ay ku dhinteen.