DEG DEG:- Banaanbax looga soo horjeedo Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada Hargeyso ka socda

0

Banaanbax looga soo horjeedo isku shaandheyntii uu Maalmo ka hor ku sameeyay Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Banaanbaxa ayaa waxaa sidoo kale looga soo horjeeda Xilka qaadistii lagu sameyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cadde.

Dadka isku soo baxay ayaa sheegaya in Wasiiradda uu soo Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo ay yihiin kuwo aan tayo la’hayn islamarkaana Dib u dhac galin kara Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiskiina waxaa isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Wasiirada Somaliland.