TOP NEWS:- Ciidamada AMISOM oo madaafiic xoogan ku garaacaya Duleedka Magaalada Marka

0

Xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in Madaafiic xoogan ay ku garaacayaan Xaafado dhowr ah oo ku yaalla Duleedka Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Madaafiicdan oo Ciidamada AMISOM ay ka tuurayaan Xerada Ayuub ee Magaalada Marka ayaa waxey ku dhacayaan Xaafadaha kale duwan ee ku yaalla Duleedka Marka.

Weli lama cadeyn sababta ka dambeynsa in Ciidamada AMISOM ay duqeymo xoogan la dhacaan Xaafadahaasi, waxaaana wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay duqeynta, inkastoo aan weli la cayimin.

Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa la aaminsan yahay in hareeraha Magaalada Marka ay ku sugan yihiin, iyadoona Dagaal yahanada Xarakadu ay dhowr jeer oo hore ay la wareegeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Dadka Deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xoogaga AMISOM ay Madaafiicdaasi u qeybiyeen dhowr jiho, waxaana ay sheegeen in ay aad u cusleyd duqeyntaasi.