Ahlusunna Waljamaaca oo sheegtay in Wasiir Odawaa uu colaad ka hurinayo Gobollada Dhexe

0

Iyadoo Gelinkii dambe ee shalay uu gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa islamarkaana lagu sheegay u jeedada uu halkaas u gaaray in ay tahay sidii wadahadallo uu ugu furi lahaa Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca iyo Maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaas ka warbixiyay Ahlusunna Waljamaaca.

Mursal Maxamed Xeefow Afhayeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa in uu colaad ka hurinayo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

“ wax wadahadal ah lama fureyno Galmudug sidii aan horey u sheegnay , Wasiirkuna waa kii  ka yiri Hobyo  dagaal ayaan ku qaadaa Dhuusamareeb oo Nabad Diid ayaa jooga, Marka kama sugeyno wanaag”  ayuu yiri  Mursal Sheekh Maxamed Xeefow Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxa ay ku guuleysan la’dahay  in Ahlusunna Waljamacaa ay ku qanciso in ay wadahadal la furaan Maamulka Galmudug.