Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo Maanta ku Wajahan Degmada Diinsoor

0

Wasiirka Wasaarada Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka ee Maamulka Koonfur galbeed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan degmada Diinsoor ee gobolka Baay, si ay dhiiri gelin ugu sameeyeen cutubyo ka tirsan ciidanka gaarka ah ee booliska Koonfu galbeed.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxmaed ayaa sheegay in socdaalka ay ku tagayaan magaalada Diinsoor ay ugu horeyso abaal marino, la siinayo cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Koonfurgalbeed ee dalka, kuwaasi oo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay nawaaxiga Diinsoor.

“Ciidamada waxa ay sameeyeen howlgallo lagu ciribtirayo Al-Shabaab, waxaana qorsheyneynaa inaan dhiiri gelin u sameyno ciidanka, si ay u xoojiyaan howlgalka ka dhanka ah haraadiga Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka.

la soco wixii ku soo kordha Safarka….