DHAGEYSO:- Wasiir Waran Cadde oo diiday inuu Dowladda Itoobiya Wakiil uga noqdo Maamulka Somaliland

0

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde oo Qoraal kooban soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo islamarkaana uu la shaqeyn doono Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka mid ahaa Wasiiradii Xalay uu Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo.

Cali Maxamed Waran Cadde Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sidoo kale iska diiday Xil uu u Magacaabay Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya.

“Aniga ma doonayo in aan noqdo Wakiilka Somaliland u fadhin doona Dalka Itoobiya,balse waxaa iga go’an in aan u shaqeeyo Shacabka Reer Somaliland oo aan joogo Dalka Gudihiisa”ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Waran Cadde.

Sidoo kale, waxa isna xilkii loo dhiibay ka cudur daartay sida Wararku sheegayan Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Maalgashiga Xuseen Dayr. Kaasoo loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyadda.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa Xalay Xilka qaadis iyo isku badal ku sameyay Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Maamulkiisa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-