Soomaalida ku nool Dalka Kenya oo hal Arrin ka cabaneysa iyo Banaanbaxyo lagu balamay

0

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalka Kenya ayaa waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin iyo jirdil ay sheegeen in loogu geysto dalka Kenya.

C/raxmaan Xasan Cali oo ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Kenya ayaa sheegay isaga iyo Dhalinyaro kale in laga soo qabtay Bada Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay yihiin Kaluumeysato.

Ciidanka ilaalada dalka Kenya ayaa Dhalinyaradan waxa ay ka soo qabteen Badaha Bari, waxaana ay sheegeen ciidanka Kenya in ay yihiin Dhalinyaradan Burcad Badeed, inkastoo dhalinyaradaas ay beeniyeen in ay yihiin Burcad badeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira qaar ka mid ah xabsiyada dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in qaarkood ay xabsiyada ku jiraan mudo dhan 4 sano oo ilaa iyo hada aysan arak cid wax ka qabata dhibaatooyinka loogu geysto xabsiyada dalka Kenya.

Dhalinyaradan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa waxa ay ka codsadeen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka loogu geysto xabsiyada dalka Kenya, waxaana ay sheegeen in halkaasi ay ku heystaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ka mid yihiin Caafimaad daro, Hoy la’aan, Waxbarashoa la’aan iyo kuwo kale.

Meelaha ugu dhibka badan ee Dhalinyarada Soomaliyeed ay kala kulmaan tacadiyada isagu jira dilka, Kufsiga iyo dhaca waxa ka mid ah wadamada Suudaan  Liibiya, Kenya iyo kuwo kale, waxaana dowladda Soomaaliya aanan laga hayn wax hadal iyo dhaq dhaqaaq ah si loo  caawiyo dadkaasi sidii ay xabsiyada  uga bixi lahayeen oo wadankoodaay ugu soo laaban lahaayeen.