QM oo ka hadashay sharciga Xuquuqul Insaanka ee Madaxweynaha uu saxiixay

0

Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya Danjire Michael Keating, ayaa ka hadlay Sharciga Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku saxiixay Magaalada Muqdisho.

Sharciga uu Madaxweynaha saxiixay ayaa ahaa mid lagu dhisaayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka, kaasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada Arimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Baarlamaankana ay soo ansixiyeen.

Waxa uu sheegay Keating Sharcigaan inuu awood u siinaayo Dowladda Somaliya ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo ka hortagga tacadiyada lagu la kaco qaybaha Bulshada.

“Waa war ay ku farxaan Somalida, waxaan ugu hambalyeynaa dowladda iyo hey’adaha bulshada rayidka ah halkan ay gaareen si loo xushmeeyo xuquuqda aadanaha.” sidaa waxaa yiri Michael Keating.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa ku ammaanay Wasaarada Haweenka dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixisay sidii Madaxweynaha Somaliya uu ku saxiixi lahaa sharcigaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa axaddii si rasmi ah qalinka ugu duugay sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka.

Somaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu horeeya ee ay ka dhacaan tacadiyada ku aadan dhanka xuquuqda Aadanaha.