Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Dalka Suuriya

0

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee uu saldhigoodu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in qarax ka dhacay gobolka Idlib ee uu mucaaradku ka taliyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof tobbanaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Kooxdan ayaa sheegtay in khasaaraha loo maleynayo inay ku jiraan dagaalyahaanada falaagada iyo ciddamada ilaalada xuduuda ee Turkiga.

Qof ismiidaamiyay ayaa lagu soo waramayaa in suun uu ka soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxiyey gaari ay ku safrayeen dagaalyahanno kaas oo marayay meel u dhaw xuduuda magaalada Atmeh.

Dowladda Suuriya ayaa ku eedeysay dhigeeda Turkiga inay fududeynayso qulqulka dagalyahanada iyo saadka ay ka helaan dhulka ay heystaan ee Suuriya ee ku teedsan xududeeda.

Sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in dagaal kale oo culus uu ka soconayo magaalada Xalab halkaasi oo dagaalyahanada mucaraadka ay gaari miineysan u direen xaafada Zahraa ee ay maamusho dowladda.