Masar oo kordhinaysa soo saarista Gaaskeeda Dabiiciga ah

0

Wasiirka Batroolka Masar Daariq Al-mala, ayaa sheegay inay Xukuumadiisu kordhin doonto wax soo saarka Gaaska dabiiciga ah marka la gaaro Sanadka 2020.

Sida ay soo warisay Jariidada Skay News Al-arabia, wuxuu Wasiirka cadeeyay in soo saarista Gaaska Masar sida ugu dhaqsiyaha badan la gaarsiin doono maalintii 7.5 bilyan Cag wareeg ah,lana xaqabtiro doono tayada awoodda Tamarta.

Sida laga warqabo, Masar waxay safka hore kaga jirtaa wadamada kaalmaha ugu horeeya kaga gala wax soo saarka Gaaska iyo shidaalka waxayna Israel u dhiifisaa Gaas oo ay ka soo gasho lacag malayiin dollar ah.