DEG DEG:- Ciidanka Puntland oo Saaka Xiray Xawaalad ku taala Magaalada Garowe

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Illaalada Madaxweyne Kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Cameey ay Saaka Albaabada iskugu dhufteen Xarunta Shirkadda Xawilaada Amal ee Magaalada Garowe.

Ciidan ka amar qaata Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa la sheegay in Saaka Waabarigii ay tageen Xarunta Amal islamarkaana ay Amreen in la xiro oo la joojiyo Howshii ay wadeen Shaqaalaha Shirkadda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sababta Madaxweyne Kuxigeenka Puntland uu u xiray Shirkadda in ay tahay ka dib markii la sheegay in Shirkadda Amal Xarunteeda Garowe ay diiday in ay dhiibto Lacag lagu qiyaasay 70 Kun oo Dollar islamarkana la sheegay in Puntland ay u Arurineyso in ay kula Dagaasho Maamulka Somaliland.

Wariyaasha ayaa loo diiday in ay War ka tabiyaan Xariga Xawilaada Amal ee Saaka Ciidamada Puntland kula dhaqaaqeen.

la soco wixii soo kordha…