DEG DEG:- Ciidanka Danab oo Howlgal Gaar ah ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo

0

Wararka inaga soo gaaraya Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Danab ay Howlgal gaar ah ka fuliyeen xaafada Wadajir ee Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidanka Danab oo maalmihii udambeeyay Howlgal qorsheysan ka waday magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay maanta Howlgal gaar ah ka fuliyeen goobo bartilmaameed u ahaa oo horey ay xog uga heysteen sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Danab.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ciidanka Danab ay Howlgalkan si gaar ah uga fuliyeen Guri ku yaala Koonfurta Gaalkacyo oo la sheegay in uu Deganaa xubno ka tirsan Shabaab.

Ciidanka Danab ee sida gaarka ah Howlgalka uga fuliyay Guriga ayaa waxaa la sheegay in ay ku soo qabteen Hub, Hal Gaari iyo Agab kale oo ciidan.

Ciidanka Danab oo garab ka helaya kuwa Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan Howlgalada gaarka ah ee ay ka wadaan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.