DAAWO SAWIRADA:- Oradyahanka Mo Farah oo hadiyad u bixiyay biladii Dahabka ee uu ku guuleystay

0

Orodyahanka reer Ingiriis ee asalkiisu Soomaaliya ka soo jeedo Mo Farah ayaa biladii Dahabka ahayd ee uu ku guuleystay xalay orodka 10-ka Kun ee Mitir hadiyad u bixiyay.

Mo Farah oo ay u noqoneyso markii saddexaad ee uu biladaasi ku guuleysto, isagoo taariikh dhigay ayaa sheegay in gabadhiisa curadka ah ee lagu magacaabo Rhianna uu u hibeeyay Bilada, daraadeedna uu orodkaasi ugu guuleystay.

Xaaska Moa Farah oo lagu magacaabo Tania ayaa isla markiiba odaygeeda kula dabaal degtay barta Instagram, waxayna ka mid ahay dadkii daawanayay iyada iyo gabadha ay isu dhaleen, waxayna soo dhigtay sawir iyada iyo Rhianna ay kula jiraan Mo Farah oo ay ku dul qoran yihiin: “He did it…. He actually did it…..!!!!!!

Mo Farah oo ah aabe 33 sano jir ah oo dhalay afar caruur ah waxaa kaloo sawirada isaga iyo xaaskiisa uu isna bartiisa soo dhigay ku sheegay: “Waa maalinteydii…. waxaan u sameeyay Rhianna darteed… gabadheyda… tani waxay leh qoyskeyga”.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

mareykanka Rihana1-768x681 Rihana3-768x515 Rihana4-768x441 Rihana-Mo-768x533