Ciidamada Amisom oo Howlgal gaar ah ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgallo gaar ka wadaan Deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii shalay Qarax khasaare geystay lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Balidoogle.

Howlgalkan ayaa ah mid ka soconaya Deegaanada gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanada ciidanka AMISOM shalay Qaraxa lagula eegtay.

Ciidanka AMISOM ee Qaraxa shalay lagula beegsaday gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay Garoonka Diyaaradaha Balidoogle ka soo qaadeen sahay iyagoo ku sii jeeday Deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay sahaydaasi u wadeen.

Saraakiil u hadshay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in Howlgalladan ay yihiin kuwo lagu ugaarsanayo xubno ka tirsan Shabaab kuwaas oo xilliyada habeenkii qaab dhuumaaleysi ah ku yimaada Deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay Howlgallo ka dhan ah Shabaab ay ka wadeen gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Shabaab.