AKHRISO:- Qodobadii ka soo baxay shirkii Qorshaha Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Beydhabo

0

Shirka Golaha Talo-bixinta iyo Qorshaha Qaranka War-Murtiyeed Golaha Talabixinta Qorshaha Qaranka (GTQQ) ayaa magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka ah Koofur Galbeed ku kulmay taariikhdu markay ahayd 15kii Agoosto 2016, waxayna isku raaceen qodobada soo socda:

  1. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa hanaanka Qorshaha Qaranka
  2. Goluhu wuxuu soo jeedinayay in la xoojiyo xiriirka iyo hagida dhameystirka Qorshaha Qaranka, waxaa la isla gartay in la qabto shirka xiga ee golaha taariikhdu markey tahay 31ka Bisha Agoosto ee 2016 laguna casuumo Beesha Caalamka
  3. In Goluhu la wadaago qabyo qoraalka Qorshaha Qaranka Dowlad goboleedyada oo dhan inta aan la baahin si ay uga soo talo bixiyaan
  4. Goluhu wuxuu isku raacay in la sameeyo hanaan qaab-dhismeed ee iskuduwid iyo isku dubarid howlaha Qorshaha Qaranka
  5. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa kordhinta doorka haweenka ee ku xusan Qorshaha Qaranka
  6. Goluhu wuxuu hagayaa maamulka iyo hirgelinta Qorshaha Qaranka
  7. Goluhu wuxuu uga mahadceliyay Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka shaqada adag iyo isku dubaridka howlaha Qorshaha Qaranka.