Kooxda Boko Haram oo sii deysay Video Caalamka laga Hadal haayay iyo Muran ka dhashay

0

Kooxda Boko Haram ayaa sii deysay goor dhaweyd oo duhurnimadaan ah Muuqaalka ay kasoo muuqdeen Gabdhihii Ciyaal iskuulka ahaa ay ku afduubteen Labo sano ka hor Gobolka Chibok.

BBC-da qeybteeda Dibada La hadasha oo warkaan baahisey daqiiqado ka hor ayaa waxa Boko Haram Muuqaalkooda kasoo muuqday 50 gabdho ah oo xiran Xijaab islamarkaana ay gadaashooda taagan yihiin Maleeshiyaad Hubeysan iyadoo looga goleeyahay muuqaalkaasi codsi Boko Haram ay direyso.

Waxa Muuqaalkani lagu sheegay in ay ula jeedaan hadii Ciidanka Nigeria soo deyn dad ka xiran Boko Haram ay iyaguna dili doonaan gabdhahaasi.

Boko Haram ayaa Muuqaalkani waxa uu yahay kii seddexaad ay sii daayaan tan iyo markii ay gabdhahaasi qafaasheen,waxaana la rumeysan yahay in ka mid ah gabdhahaasi in ay is qarxiyeen.